• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter)
X (Twitter)
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Sunday, December 14
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » GOLAHA AMNIGA QARANKA OO SOO SAARAY AWAAMIR KU SAABSAN XAKAMAYNTA HUBKA
Warka

GOLAHA AMNIGA QARANKA OO SOO SAARAY AWAAMIR KU SAABSAN XAKAMAYNTA HUBKA

Qaran24By Qaran2418 July 2024No Comments2 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

GOLAHA AMNIGA QARANKA OO SOO SAARAY AWAAMIR KU SAABSAN XAKAMAYNTA HUBKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka, maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024.

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay R/Wasaaraha Xukumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, R/wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Mudane Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleGuddoomiyaha Golaha BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabay guddi .
Next Article Turkey and Somalia Sign Historic Hydrocarbon Exploration Agreement.
Qaran24
  • Website

Related Posts

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

13 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad

11 December 2025
Boorma war

Waqooyiga Somalia: Dib-u-Habaynta Awoodda Qabiilka oo Furaysa Cutub lagu Fasiri Kari Waayey Muddo 34 Sano Ah

6 December 2025
Somaliland Waa  Aalad Siyaasadeed Iyo  Qorshe Lagu Fashilinayo Dowladnimada Soomaaliya.

Somaliland Waa  Aalad Siyaasadeed Iyo  Qorshe Lagu Fashilinayo Dowladnimada Soomaaliya.

20 November 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday? Warka

Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?

By Osman Omar13 December 20250

Digniin amni, xaqiiqo qaraar, iyo xal cad. WhatsApp waa sida albaabka gurigaaga dijitaalka ah. Haddii…

Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere

Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere

13 December 2025
Awdal State can end 30 years of secession through three united forces

Awdal State can end 30 years of secession through three united forces

11 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad

11 December 2025
Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa Gooni-u-Goosad

Boorama Slips Out of Somaliland’s Control After Three Days of Unrest

9 December 2025
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Sidee Ku Ogaan Kartaa In WhatsApp-kaaga La Jabsaday?
  • Mogadishu Votes, Authority Remains Elsewhere
  • Awdal State can end 30 years of secession through three united forces
  • Awdal: Saddex Awood oo is biirsada ayaa Lagu Joojin Karaa  Gooni-u-Goosad
  • Boorama Slips Out of Somaliland’s Control After Three Days of Unrest
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
© 2025 ThemeSphere. Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.