• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
Facebook X (Twitter) Instagram
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • Contact Us
  • About Qaran24
  • Corrections Policy
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram
qaran24.com » Puntland » Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan
Puntland

Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan

Qaran24By Qaran2414 July 2024No Comments1 Min Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan
Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sannadkan miisaaniyad dhan $120 milyan u qoondeeyay arrimaha gargaarka iyo horumarinta degaannada Puntland.

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in miisaaniyad dhan $120 milyan sannadkan loo qoondeeyay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu sheegay in barnaamijkaasi ay hoggaaminayaan 14 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ka hawlgala Puntland.

Miisaaniyaddan ayaa loo qorsheeyay hawlaha bini’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale looga warbixiyay kulankii shalay Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

“Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Madaxweyne Deni iyo dowladdiisa si ay gacan uga geysato horumar-gaarsiinta dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu qoraalku ka soo xigtay James Swan.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Qaran24
  • Website

Related Posts

Why Is Piracy Re-Emerging off Puntland’s Coast?

19 August 2026

The African Union mission in Somalia cannot have it both ways

18 March 2026

Sidee ku Sugi Kartaa Ammaanka TikTok Account-kaaga? Haddii Password Lagaa Xado, Sidee Ku Soo Celin Kartaa? (Tallaabo-Tallaabo)

14 December 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
  • Home
  • News English
  • Opinion
  • Warka
  • Business
  • About Qaran24
  • Contact Us
  • Somaliland
© 2026 . Designed by TOsman Omar .

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.