Sunday, September 8
Xifaaltankii JabuutiXifaaltankii Jabuuti iyo Itoobiya ku dhexmari jiray Xamar oo hadeed Somaliland loo soo raray. Somaliyana waxay u eegtahay mid dhaxashay shaqadii Somaliland ay qaban jirtay, taasi oo aheyd in mar marna itoobiyo u xagliso, badankase ay Jabuuti la jirto.

《1》Ka soo bilow June 1991, markii dawladda Jabuuti dalkeeda ku martigalisay shirkii lagu soo doortay AHUN Cali Mahdi, kaasi oo ay AHUN Gen. Ceydiid isku hayeen cida Xamar ka talin doonta.

《1.1》Shirkaa waxa Raysal Wasaare loogu doortay AHUN Cumar Carte Qaalib. Halka uu shirkaas ka hogaaminayey (co-chair) AHUN Maxamed X. Ibraahin Cigaal.

《1.2》Shirkaa waxa ka soo horjeestay Gen. Caydiid. Dabadeedna November 1991 waxa Xamar ka biloowday dagaalkii afar biloodka.

2》1993, Itoobiya ayaa shir ugu qabatay dalkeeda shan iyo toban kooxood oo ka mid ah Jabhadihii iyo Ururo jabhadihii dabadeed abuurmay, halkaana waxa Gen. Caydiid loogu soo doortay inuu madaxweyne ka noqdo Somaliya.

《2.1》Shirkaas waxa ka qeyb galay garabyadii reer Somaliland ee ka soo horjeestay shirkii 1993 Borama lagu qabtay, kaasi oo lagu doortay Madaxweyne Cigaal. Waxana ka mid ahaa AHUN Cabdiraxmaan Tuur iyo AHUN Maxamed Faarax (Xasharo), gudoomiyiha ururkii SDA oo isaguna reer Borama ahaa, kuwaas oo ka mid noqday shantii madaxweyne ku xigeen ee shirkaas lagu doortay.

《2.2》Xukuumaddii Cigaal ayaa waxay soo saartay wareegto dhigaysa in qofka Soomaaliya aada uu yahay Dambiile Qaran oo weyn.

3》August 1996 waxa geeriyooday AHUN General Maxamed Faarax Caydiid, dabadeed Itoobiya oo kaashanaysa Afrikan Union iyo UN ayaa shir kale November 1996 ku qabatay magaalada Sodere, Itoobiya, waxa shirkaas lagu dhisay golle la odhan jiray “Badbaado Qaran,” kaasi oo masuul looga dhigay inay soo dhisaan dawlad ku meelgaadh ah.

4》2000, Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweyne Cigaal ayaa isku afgartay in beesha caalamka lagu qanciyo in shir dib u heshiisiineed Soomaaliya loo qabto, kaas oo ugu dambeyntii April 20 – May 5 ka dhacay magaalada Carta ee dalka Djibouti.

《4.1》Inkastoo shirkaa Ismaaciil iyo Cigaal ay wada hindiseen, hadana markii dambe way ku kala baydheen. Waxana masuuliyiin wargaleen ah oo wakhtigaa joogay ay sheegeen in Cigaal iyo ismaaciil ay isku qabteen, farsamada shirka u dhacayey:, haanaanka dib u heshiisiinta loo marayo; nooca dawladeed ee la dhisayo; iyo weliba goobta shirka lagu qabanayo. Waxa kale oo ay masuuliyaantaasi xaqiijiyeen, Cabdiqaasin Salaad Xasan oo shirkaa Madaxweyne loogu doortay, intaanu Jabuuti aadin, inuu Hargeysa soo maray.

5》Dawladdii Cabdiqaasin ee Jabuuti lagu soo dhisay waxay ka shaqeyn wayday hogaamiye kooxeedayadii oo taageero ka helay Itoobiya, kuwaas oo la baxay Gollaha Dib’u-Heshiisiinta iyo Dib-u-soo-Nooleynta Soomaaliya. Arinkaasina wuxu horseeday in Itoobiya oo markale adeegsaneysa Ururka Midowga Afrika ay urur Gobaleedka IGAD ka codsdeen in labadaa garab la wada hadashiiyo.

《5.1》2002 ayuu Urur Gobaleedka IGAD magaalada Eldoret, Kenya ku qabtay shir lagu heshiisiinayey labadii garab. Shirkaasna waxa ku xigay kuwa kale o dhawr ah oo isla Kenya ka dhacayey, ilaa ugu dambeyn 2004 magaalada Nairobi Madaxweyne loogu doortay Cabdillaahi Yuusuf, oo markaa Madaxweyne ka ahaa Puntland, horena u soo noqday, Gudoomiyihii Jabahdii SSDF ee saldhigeedu ahaan jiray Itoobiya.

《5.2》Cabdillaahi Yuusuf waxa siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba taageero siisay Xukuumaddii TPLF ee Itoobiya. Mucaaradad adagna waxa kala horyimid, Maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo taageero aqab ciidan ah ka heli jiray Eritariya. Ugu dambeyna waxa Muqdisho iyo Gobalada dhexe laga qabsaday Maxaakiimtii Islaamiga ahaa.

《5.3》Waxa cajiib ah Madaxweyne Rayaale oo dhawrjeer si shaacsan uga gaws-adeygay inuu kulan la qaato Cabdillaahi Yuusuf, ayaa markii Maxaakiimtu deegaano badan qabsadeen BBC-da u sheegay inay wadahadal la furi doonaan Maxaakiimta.

6》2007, Hogaamiyayaashii Maxaakiimta iyo siyaasiyiin kale ayaa Eratariya kaga dhawaaqay Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Soomaaliya. Isbaahaysigaas oo labo garab u kala jabay ayaa midi Jabuuti saldhig ka dhigtay, halka kii kalena Eretariya ku hadhay.

《6.1》June 2008 ayaa garabkii uu hogaaminayey Sh. Shariif waxay Jabuuti heshiis kula saxeexdeen, dawladdii Cabdillaahi Yuusuf.

《6.2》January 2009, waxa dalka Jabuuti loogu doortay Sh. Shariif Sh. Axmed inuu noqdo Madaxweynaha Somaliya.

《6.3》Isla January 2009 ciidankii Itoobiya ayaa ka baxay Xamar, sidaasna waxa dhigayey heshiiskii Sh. Shariif iyo Cabdillaahi Yuusuf ku wada galeen dalka Jabuuti.

《6.4》Somaliland wax shido ah kalama ay hor iman Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Lidkeeda, labada xukuumadoodba Somaliland wada hadal bay la furtay, kuwaas oo qaarkood ay ka dhaceen dalka Jabuuti. Halka xukuumadihii Sheekh shariif iyo xasan Sheekh ay mucaaradad joogta ah kala kulmi jireen maamul Gobaleedyada Federalka oo Itoobiya ku taxnaa.

7》2017 Waxa Xamar Madaxweyne ka noqday Farmaajo, kaasi oo saaxiib wanaagsan la noqday markuu Abiy Axmed xilka yimid 2018. Arinkaasi wuxu horseeday iskaashigii Isdhexgalka Dhaqaale ee Geeska Afrika oo Somaliya, Itoobiya iyo Eritariya iskula jaanqaadeen.

《7.1》Iskaashigaasi wuxu ka cadhaysiiyey dalka Jabuuti oo markii dambena garab muuqda ka heshay Somaliland iyo Kenya.

《7.2》Ugu dambeyn Farmaajo ayaa kursiga la dhaafiyey, Xasan Sheekh ayaan kursiga yimid, dabadeedna waxa bilaabmay iskaashi u dhaxeeya Muuse, Ismaaciil iyo Xasan.

《7.3》Iskaashigaasi wuxu gaaadhay heer, Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh ay “cuqaal sharafeed” ka noqdaan arooskii Haybado Ismaaciil Cumar Geele iyo Gen. Saadaq John oo ahaa “tool-kii” ugu muhiimsanaa ee mucaaradada Farmaajo loo isticmaalay.

《8》Mudo kadib, Itoobiya iyo Somaliland ayaa shukaansi dawladnimo oo mudo si hoose ay u jilayeen shaacsane ka dhigay. Arintan oo Ingiriisku dabada ka riixayo, ayaa la sheegayaa inay ka cadhaysiiyey Jabuuti iyo Somaliya.

(F.G: aniga weli jiliin bay iila eegtahay arimaha Muuse, Xasan iyo Ismaaciil sameynayaan. Aabahood la janeegu way wada socdaan. Qorshahooguna waa mid fog oo soo bixi doona)

《9》ugu dambeyn flimku wuxu marayaa Xifaaltankii Jabuuti iyo Itoobiya ku dhexmari jiray Xamar oo loo soo raray Somaliland.

Hadaba markay sidaa tahay, la yaabi maayo, Xasan Sheekh oo flimka ku metalaya saaxiibka runta ah ee jabuuti, in dawladdiisu ay soo saarto qaraar dhigaya “gooni u goosigu waa halis qaranku wajahayo” sababtoo ah, Xukuumaddii AHUN madaxweyne Cigaalba iyadoo Jabuuti saaxiib dhaw la ah soow ma ay soosaarin “qofkii Xamar aada waa qaran dumis”

F.G: Itoobiya waxay rabtaa inay Lughaya laga dhiso dekad ganacsi ay wadajir u maalagshaayaan Somaliland, Itoobiya iyo Imaraatku. Arinkaasna Muuse, Ismaaciil iyo Xasan midkoodna ma rabaan

WQ: Abdirahman Mohamed Ibrahim

Cabdiraxmanmid@gmail.com

Share.
Leave A Reply