33 sano kadib Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa maanta looga fariistay imtixaanka Shahaadiga.
Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya.
1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa Imtixaanka gelaysa, waxaana goobaha Imtixaanka lagu qaadayo ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, kuwaas oo u xil saaran ilaalinta iyo kormeerka goobaha imtixaanka lagu gelayo.
RW Xamse oo kahadlayay imtixaanka ayaa sheegay in 136 xarumood guud ahaan dalka ay ka socdaan imtixaanka qaranka, waxa uuna yiri ”Sanadkan waxaa guul noo ah in goobo fog fog oo aan imtixaanka la geyn jirin in aan geynay, waxaana noo farxad ah in goobo AS Laga xoreeyay maanta Imtixaanka lagu galayo”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale sheegay in Goobo badan oo xagga amniga sanadihii hore aan imtixaanka laga gelin ayay hadda suurtagal noqotay in imtixaanka la geeyo.
Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa iyana sidoo kale markii ugu horeysay maanta looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, tan iyo markii laga xoreeyey Khawaarijta arxanka daran.
sidoo kale Ceeldheer oo ay muddo 33 sano ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.