Shirkadda Wadaagsan oo ka hadashay qorshaha shirkadda Imaaraatiga ah loogu wareejinayo dekedda Garacad
Author: Qaran24
Ciidanka ATMIS waxay ku wareejisay Saldhigga degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo noqonaya Saldhiggii Afaraad ee lagu wareejiyey Wajigii Saddexaad ee ATMIS-ta laga saaray. Munaasabadda wareejinta waxaa ku sugnaa, ku xigeenka ATMIS SRCC, Sivuyile Bam, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Gaashaanle Muxudiin Axmed oo katirsan Ciida ka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahad celiyay ciidamada ATMIS ee KDF sida ay ugu hureen naftooda ka qeyb qaadashada sugida amniga Jubbaland. Sarkaalka Xafiiska Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS,…
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq oo waraaqaha aqoonsiga laga gudoomay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed. Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah sii xoojin doono. Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta XF Soomaaliya.
NAIIROBI & OLOLAHA DOORASHADA GALMUDUG. Nairobi ayaa xilligaan la joogo u muuqata goobta ugu muhiimsan ee uu ololaha doorashada Galmudug ka ibo-furtay. Horay Nairobi waxaa ugu furnaa labo jikoooyin oo doorasho ah oo ay kala leeyihiin Dr. Koofi iyo Ganacsade Liibaan. Maanta kooxda ololaha dib-udoorashada madaxweyne Qoorqoor ayaa iyaguna magaalada jikadii seddexaad magaalada ka furtay. Dhoolatus miisaankiisu aad u sarreeyo ayay garoonka ku soo galeen. Ciyaaryahaynka uu Qoorqoor captanka kooxdiisa u soo xiray waa Mohamed Kasim Turaabi oo isku ah Ugaaska Qoorqoor iyo been-ma-sheegaha Qoorqoor labadaba. Dhammaan maamul goboleedyada waxaa bisha July ka billaabanaya doorashooyinkii maadaama ay Axmed Madoobe iyo…
Waan ka raalligelinayaa dawladda iyo shacabka Jabuuti hadalka ka soo yeedhay Muuse Biixi ee hanjabaadda ah. Jabuuti wax badan ayey tartay dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada waqooyi 30-kii sano ee u dambeeyey. Ma filayn in Muuse uu sidan ugu abaal dhici doono Jabuuti. Muuse Biixi waxa uu sidoo kale u muuqdaa in uu u tafaxaydanayo colaad ka dhacda gobolka Awdal, laakiin waxaan u sheegayaa in la is ka difaaci doono gardarradiisa oo aanay reer Awdal aqbalayn in dhulkooda lagu wareejiyo dal shisheeye oo cadaw ah. Oday Muuse kuma cibro qaadan wixii uu ka sameeyey Laascaanood, iyo guuldarradii ka raacday oo…
Raiisal wasaare Xamse ayaa maanta ku booqday hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxayna ka wada hadleen sidii ay hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed u xoojin lahaayeen kaalintooda ku aaddan nabadda iyo xallinta khilaafaadka u dhexeeya bulshada. Waxaan ku bogaadinayaa Dhaqanka Soomaaliyeed kaalinta muhiim ka ah ee ay ka qaadanayaan nabadda iyo dejinta dagaallada u dhexeeya qaar kamid ah beelaha, si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad iyo horumar waara. Xukuumadda Dan Qaran waxa ay mar walba u taagan tahay sidii hoggaamiyeyaasha dhaqanka loogu taageeri lahaa doorkooda ku qotoma midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Muqdisho: Waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Madaxda ugu saraysa Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Cabdi Barre , Guddoomiye Aadan Madoobe iyo qaar kamid ah Eheladiisa ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay Guddoomiye hore Jawaari oo lagu tilmaamay Nin Dowladeed oo ka baxay Qaranka Soomaaliyeed.
KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND OO KA TACSIYEEY GEERIDA AHUN PROF MAXAMED SHIIKH CISMAAN JAWAARI. Garoowe : 28 June 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo door muhim ah kasoo qaatay dowlad…
Dowladda Hindiya ayaa dib u bilowday bixinta dal-kugalka Visa dalkeeda ee dadka Soomaaliyeed. Dowladda Hindiya ayaa dib u bilowday bixinta dal-lu-galka [Visa] dalkeeda ee dadka Soomaaliyeed ee xaaladaha caafimaad u aada dalkaasi, sida ay shaaci safaaradda Hindiya ay ku leedahay magaalada Addis Ababa oo iyadu bixineysa dal-ku-galka. Hindiya waxa ay meesha ka saartay lacagihii iyo muddadii badnayd ee lagu heli jirey dal-ku-galkeeda oo la sheegey in ay sabab u ahayd mukhallasiin kala duwan. Caafimaadka Hindiya waxa hadda kaa xigta $83 doollar iyo laba maalmood oo keli ah. Safaaraddu Af-ka Soomaaliga ayey ku soo saartay ogaysiiskan u muhiimka dadka Soomaaliyeed ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin: 1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. – Guddoomiye 2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin 3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin 4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin 5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre…
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYE MAXAMED SHEEKH CUSMAAN JAWAARI Mogadishu, June 28, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu…











