Author: Qaran24

GAROOWE: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah dib ugu laabto caasimadda Puntland ee Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in Siciid Deni uusan ku soo guulaysan saxiixa heshiiskii wareejinta dekedda Garacad kadib markii uu kala kulmay buuq iyo jaah-wareer xooggan.

Read More

Xaalada magalaada Luuq ayaa hadda degan waxaana istaagay dagaalkii saaka ka dhacay khasaaro dhimasho iyo dhawaac leh ayaa dhinacyada soogaaray in ku dhow 10 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyotay dirirta dhacday. Dhawaac intaas la,egna waa uu jiraa oo qaar goobaha cafimaadka lageyay. Magaalada ayaa ku soo laabtay xaalad deganaasho hadda. Madaxweyne Ku-xigeenka JL Maxamuud Sayid Aadan oo Muqdisho saxaafada kula hadlay ayaa dhinacyada dagaalamayo ugu baaqay inay si deg deg ah colaada ujoojiyeen miiska wadahadalkana la iskugu soo laabto. Dhanka kale masuuliyiin JL iyo saraakiil ciidan ayaa laguwaday saaka inay tagaan Luuq, balse dirarta ayaa ka hor bilaabtay…

Read More
Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa

Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa Waxaa ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka JFS. Maanta oo Sabti ahi waxaa xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.

Read More

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL KA QALIN-JABIYEY DUGSIGA TABABARKA CIIDAMMADA EE TURKSOM Muqdisho, Luuliyo 05, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed. “Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada…

Read More

Baqdaad, 5 Luulyo, 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Read More

UK: Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi. Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn. Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo. Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo…

Read More

Ciidamo ka tirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa maanta qabsaday kantaroolka degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagu soo warramayaa in ay xoog kula wareegeen kantaroolka degaankaasi Bacaadweyne. Ciidankaasi gadoodsan ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa sidoo kale gebi ahaanba xannibay isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka gadoodsan ayaa sheegaya in aysan wax mushaar ah dowladda ka helin in ka badan lix bilood islamarkaana ay ka cabanayaan xuquuqdooda maqan. Dhinaca kale warar madax-bannaan ayaa sheegaya in xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada…

Read More
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirka Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya

Kalluumeysiga Soomaaliya: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Shirka Horumarinta Kalluumeysiga Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in Qorshaha Xukuumadda uu yahay in %50 miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga Muqdisho, 03, Luulyo 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka. Mudane Xamsa ayaa…

Read More
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xildh. Dr. Maxamed Xassan Maxamed Bulaale ayaa la kulmay Safiirka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid ee dalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ayaa Wasirka waxa uu ugu horayn uga mahadceliyay taageerada Dowlada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku bixiso horumarinta adeega caafimaadka, gaar ahaan bangiga dhiiga iyo xarunta lagu sifeeyo Kilyaha oo ay dad badan ka faaiidaystaan. Sidoo kale, Wasiirka ayaa safiirka ka codsaday in wali ay Wasaaradda Caafimaadka ubaahantahay taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo adeega daryeelka caafimaadka. Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ballan qaaday in ay…

Read More

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LABO MAALMOOD KU SUGAN SALDHIGGA MILATARI EE CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED EE DEEGAANKA WARGAADHI Wargaadhi, Luuliyo 03, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray…

Read More

$21 Million Missing from Government Treasury, Auditor General Reports. In a shocking revelation during an audit investigation, Auditor General @AIGutale disclosed that $21 million had gone missing from government officials between March 2018 and April 2023. In a startling development amid the heated election season, Auditor General @AIGutale announced today a major corruption scandal involving the disappearance of $21 million from the government treasury. The revelation came to light during a comprehensive financial audit investigation from March 2018 to April 2023. According to the Auditor General’s report, the missing funds were identified during routine audits conducted across various government…

Read More