cilad farsamo ayaa ku timid diyaarada Ethiopian airline ee garoonka muqdisho. Duulimaadkii horey loo qorsheeyay ee Ethiopian Airlines ee ka bixi lahaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho saacadda 6-da makhribnimo kuna wajahan Addis Ababa ayaa goor dhow la baajiyay, iyadoo sababta loo cuskaday ay tahay cilad farsamo oo ku timid diyaaradda. Rakaabka oo laga sugayay inay safarka billaabaan saacadda 3-da galabnimo ayaa ku qasbanaaday inay garoonka joogaan muddo dheer, taasoo keentay caro iyo welwel ku saabsan waqtiyada kale ee duulimaadyada. Go’aanka baajinta duulimaadka ayaa la qaadatay saacadda 11:30 habeenimo, taasoo aysan shirkaddu ku qaadan waqti ku habboon oo loogu diyaargaroobo rakaabka.…
Author: Qaran24
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlagal ka dhcay deeganka cawsweyne ee gobolka Galgaduud. In ka badan 50 ka tirsan alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud. Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo…
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo madax kale oo ka tirsan SoDMA ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Iskaashiga iyo wadashaqeeynta fog ay Hay’addu la leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee qaramada Midoobay. La-taliyaasha iyo howlwadeennada hay’adda ayaa warbixin dhammeestiran kuna aaddan aragtida fog ee hay’adda SoDMA la wadaagay madaxda WFP ee uu hogaaminayay Md. El-Khidir Daloum oo ah Madaxda WFP ee Somalia. Sidoo kale hay’adda WFP ayaa iyadana shirka la wadaagtay qorshayaasha fog ee WFP xafiiskeeda Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray xoojinta xiriirka wanaagsan ee labada hay’addod, si qoota dheerna looga hadlay sidii loo xaqiijin…
Qarax sababay qasaare kala duwan ayaa kadhacay Degmada Boondheere Qarax sababay qasaare kala duwan ayaa kadhacay Degmada Boondheere gaar ahaan Nawaaxiga Daljirka Dahsoon Warar kala duwan ayaana ka soo baxaya Qaraxan Waxaana la soo warinayaa In qof uu isku Qarxiyay Maqaayad dhawaan laga furay Halkaasi Oo lagu magacaabo Top Coffe oo Caawa lagu daawanayay Ciyaar u dhaxaysay xululka Spain iyo English. Sido kale waxa la soo warinayaa in dhamaan ay dhinteen dad saarna bajaaj goobta maraysay sida ay ku waramayaan Warbaahinta Muqdisho.
Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sannadkan miisaaniyad dhan $120 milyan u qoondeeyay arrimaha gargaarka iyo horumarinta degaannada Puntland. Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in miisaaniyad dhan $120 milyan sannadkan loo qoondeeyay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu sheegay in barnaamijkaasi ay hoggaaminayaan 14 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ka hawlgala Puntland. Miisaaniyaddan ayaa loo qorsheeyay hawlaha bini’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM.…
Guddoomiyaha Ururka Hillaac Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadhay doorashooyinka Somaliland, lana hadlaya Awdal iyo Sool: Ururka Hillaac oo metela Awdal waxa loo diidey in uu ka barbar tartamo Kulmiye, Ucid iyo Waddani, si doorashadu u noqoto mid loo dhan yahay, waxa i soo baxday in SL aan la wada lahayn oo ay u xidhan tahay dad gaar ah, waxaana dhab ah wixii uu sheegey AUH Prof.Cali Khaliif Galaydh iyo reer Sool – anigu marka waan ka hadhay doorashooyinkaas oo ah kuwo xaaraan ah, reer Awdalmna waxa aan leeyahay ha aqbalina in aad noqotaan ‘Muwaadinka labaad. sidoo kale masuuliyiinta ururka…
Moqdisho Warar horudhac ah oo ka soo baxaya weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ayaa sheegaya inka badan 10 ruux ay ku geeriyoodeen weerarkii saaka ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar. Sida wararku sheegayaan illaa 4 askari iyo 2 maxbuus ay ka mid yihiin dadka geeriyooday halka 5 dagaalamaysay la dilay taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa si guud 11 ruux. Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in 4 ruux oo uu ku jiro taliyaha kooxda Baando Musiko ee ciidanka Asluubta ay ku dhaawacmeen weerarka. Sawirada meydadka 5 maxbuus oo la sheegay inay ahaayeen kooxdii dagaalantay ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta…
Diyaarada Egypt Air ayaa duulimaadyo caalami ah ka bilowday Muqdisho. Diyaaradda Egypt Air ayaa duulimaadkeedii ugu horreyay maanta ku timid caasimadda Muqdisho , iyadoo munaasabad lagu daahfuray duulimaadka Egypt Air lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde. Daahfurka duulimaadka Egypt Air, waxaa ka qaybgalay wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar, Badr Abdel-Aty oo uu weheliyay Wasiirka Duulista Masar, Sameh Al Hafny iyo saraakiil kale oo ay ku qaabbileen Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ay wehelisay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista…
Wararkii ugu danbeeyay Weerarka ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo soo afjarmay. Maxaabiis dil-sugayaal ahaa ayaa saaka waxa ay bambooyin iyo Qoryaha AK-47 ugu dhex dagaalameen xabsiga dhexe ee Xamar kuwaas oo tiradoodu lagu sheegay 4 Nin sida ay wararku sheegayaan 2 Maxaabiis ayaa weerarkaasi ku geeriyootay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen sida wararka laga helayo Xabsiga dhexe ay sheegayaan 4tii Nin ee weerarka fuliyay ayaa dhamaantood la toogtay sida xogaha aan helnay ay xaqiijiyeen Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray…
KENYA’S PRESIDENT WILLIAM RUTO FIRES HIS CABINET AFTER NATIONWIDE PROTESTS OVER NEW TAXES Kenyan President William Ruto has today Thursday dismissed his entire cabinet apart from the foreign affairs minister in the wake of nationwide anti-government protests. The youth-led protests, sparked by planned tax hikes which Ruto was forced to abandon, have created the biggest crisis of his two-year presidency. At least 39 people were killed in clashes with the police and some demonstrators briefly stormed parliament last month. Ruto said in a televised address to the nation that he was also dismissing the East African country’s attorney general but…
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaaha shada iyo Soosaarista Damaanadaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha…











