Guddoomiyaha Golaha BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabay guddi . Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo kasoo talo bixiya dhacdadii ka dhacday Degmada Caabudwaaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Hoos ka aqriso
Author: Qaran24
Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Deyniile ayaa soo xiray labo eedeysane, Maxamed Maxamuud Siid Axmed 42 jir ah, Qadiijo Maxamed Cabduqaadir 23 jir ah,kuna eedeysan in ay ku kaceen falal Anshax-daro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed. Farinta police ka. Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib diini ah iyo mid damiiri ahba ka saaranyahay ilaalinta ammaanka iyo dhaqanka suuban, sidaa darteed ruux walba oo arka hala soo xariiro xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.gov.so
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka…
Somali FM Discusses Collaborative Efforts with UN Representative Mogadishu, July 18, 2024 – The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Moallim Fiqi Ahmed , received on Wednesday in his office at the Ministry in the capital, Mogadishu, the Acting Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia and Head of the UN Assistance Mission for Somalia (UNSOM), Mr. James Swan, and discussed with him the collaborative efforts and progress made during the sessions of the technical committee from both parties aimed at establishing a country office for the United Nations in Somalia. During the meeting, the…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika. Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca…
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa halkaas waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo qeybaha bulshda deegaanka. Safarka Degmada Caabudwaaq ayaa daaran sidii Si Nabad ah looga Soo wareejin lahaa dadka deegaankaas Hubkii Dhawaan ay boobeen.
Xildhibaan Cabdikashuur Cali Mire oo kamid ah Xildhibaanada ugu samaynta badan BJFS ee lagasoo doorto galmudug ayaa dhankiisa eedayn kulul ujeediyey Qoor qoor wuuna yiri: Dareenka iyo qalalaasaha siyaasaddeed iyo amni ee ka jira GalMudug ee maalmahan soo xoogeystay, waa kuwa horseedi kara qarax siyaasadeed iyo mid amni oo horseeda in xilliga kala guurka ee mudo xilleedka hoggaanka hadda haya talada GalMudug uu reer GalMudug dhaxal-siiyo colaado iyo gacan ka hadal siyaasadeysan. Hoggaanka GalMudug ee madaxweyne Ahmed Qoor Qoor, wuxuu ku guuldaraystay wax walba oo loo idmaday, wuxuuna GalMudug dhaxal siiyey inay dib usoo noqdaan colaadihii beelaha oo si ka…
Maxkamadda sare ee ciidamada oo markale xukuntay Qoslaaye iyo kooxdiisii. Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024. Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac. Baaris dheer kadib…
Galmudug: Waxaan caddaaladda hor keenidoonaa dadkii ka dambeeyay hubka sharci darrada ah ee soo galay Cabudwaaq. Warkan qoraal ah ee kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu farey Xafiiska xeer ilaalinta in uu soo eedeeyo cid kasta oo ku lug laheyd hubka laga keenay Itoobiya ee sida sharci darada ah kusoo galay. Dowlad-goboleedka Galmudug waxay sidoo kale sheegtay in “Dad Qowleysato ah oo ku caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darada ah oo ujeedkoodu ahaa u adeegidda argagixisada iyo iska horkeenidda shacabka ayaa ka dambeeyey Hubka lagasoo tahriibiyey dhanka Ethiopia.
Legal Stand and Potential Punishments for Advocating Against His Government In democratic systems, Members of Parliament (MPs) are entrusted with the crucial role of representing their constituents and safeguarding the sovereignty and integrity of their nation. Their actions and advocacies must align with national interests, promoting the security and welfare of the state. However, when an MP takes a stance that potentially undermines the government’s ability to function effectively—such as advocating for an arms embargo against their own country—they tread a dangerous path fraught with legal and ethical ramifications. This essay examines the legal grounds and potential punishments that MP…
Dawladda Soomaaliya oo war ka soo saartay hubkii lagu qaatay Caabudwaaq . Dawladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud. Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas. Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa…










