Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka hadlay qaraxii galabnimadii Axadda duleedka Magaalada Muqdisho lagu la eegtay gaarigii ay la socdeen lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud, oo gebi ahaanbtooda ku naf waayay qaraxaasi, isagoo dhanka kalena sheegay in natiijada horudhaca ee baaritaanka lagu ogaaday in falkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyada Al Shabaab. Qaraxan oo horey loogu sii diyaariyay waddada ayaa lala beegsaday gaariga shaqaalahan oo marayay deegaanka Garasbaaley, iyadoo dhammaan lixdii qof ee gaarigaasi la socotay ay goobta ku wada dhinteen. Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa maleeshiyada Shabaabka ku eedeeyay in ay iyagu yihiin cidda dishay…
Author: Qaran24
Read More

