[sharethis-inline-buttons]

Wasiirka ku xigeenka wasaarada warfaafinta Somalia abdirahman yusuf al-adala ayaa sheegay in dowladda federalka somaliya ay ka go’antahay in dalka ay ka Qabato doorasho qof iyo cod.

Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda ay soo bandhigi doonta nidaamka iyo shuruucda doorashada lagu gali doono.

Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, in Soomaaliya aysan dib dambe ugu laaban doonin doorasho lamid ah kuwii hore loogu qabtay teendhada Afisyooni.

Raysal wasaare Xamse, ayaa sheegay in go’aankooda uu cad yahay, isagoo sheegay inay ku shaqeynayaan hannaanka doorasho ee uu dalku u guuray.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa in teendho danbe aan la isku dooran, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay shir looga hadlayay arrimaha dib u heshiisiinta oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Labada aqal ee baarlamaanka ayaa dhawaan meel mariyay in laga guuro nidaamkii baarlamaaniga ahaa ee lagusoo dooran jiray madaxweynaha Soomaaliya. Waxayna ku beddeleen in shacabka Soomaaliyeed ay iyagu soo doortaan madaxweynaha.

Share.
Leave A Reply