Muqdisho: Waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Madaxda ugu saraysa Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Cabdi Barre , Guddoomiye Aadan Madoobe iyo qaar kamid ah Eheladiisa ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay Guddoomiye hore Jawaari oo lagu tilmaamay Nin Dowladeed oo ka baxay Qaranka Soomaaliyeed.
Author: Qaran24
KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND OO KA TACSIYEEY GEERIDA AHUN PROF MAXAMED SHIIKH CISMAAN JAWAARI. Garoowe : 28 June 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo door muhim ah kasoo qaatay dowlad…
Dowladda Hindiya ayaa dib u bilowday bixinta dal-kugalka Visa dalkeeda ee dadka Soomaaliyeed. Dowladda Hindiya ayaa dib u bilowday bixinta dal-lu-galka [Visa] dalkeeda ee dadka Soomaaliyeed ee xaaladaha caafimaad u aada dalkaasi, sida ay shaaci safaaradda Hindiya ay ku leedahay magaalada Addis Ababa oo iyadu bixineysa dal-ku-galka. Hindiya waxa ay meesha ka saartay lacagihii iyo muddadii badnayd ee lagu heli jirey dal-ku-galkeeda oo la sheegey in ay sabab u ahayd mukhallasiin kala duwan. Caafimaadka Hindiya waxa hadda kaa xigta $83 doollar iyo laba maalmood oo keli ah. Safaaraddu Af-ka Soomaaliga ayey ku soo saartay ogaysiiskan u muhiimka dadka Soomaaliyeed ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin: 1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. – Guddoomiye 2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag – Xubin 3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin 4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Xubin 5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre…
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYE MAXAMED SHEEKH CUSMAAN JAWAARI Mogadishu, June 28, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu…
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 28th June, 2024 1- President Hassan Sheikh Mohamud congratulated the Somali people on the commemoration of June 26, when the northern regions of the country got independence. 2- President Hassan Sheikh Mohamud congratulated the people and the Government of Djibouti on the occasion of June 27, when Djibouti gained its independence. 3- President Hassan Sheikh Mohamud met with federal level politicians who hail from the northern regions of Somalia. 4- President Hassan Sheikh Mohamud has opened a meeting to discuss the strengthening of cooperation with the East African Regional Organization. 5- President…
Alle ha unaxariistee waxaa goordhaweyd Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Geerida Guddoomiye Jawaari waxaa Warbaahinta u xaqiiiiyey qaar kamid ah eheladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa xanuunkaasna uu u geeriyooday. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku geeriyooday da’da 79-sano jir, wuxuuna laba mar soo noqday Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena wuxuu soo qabtay xilal kala duwan, Isaga oo kamid ahaa ruugcadayaasha Siyaasadda Soomaaliya iyo aqoonyahanka waa weyn ee Dalka Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Cali Balcad ayaa loo magacaabay u qeybsanaha arrimaha xiriirka bulshada bariga Afrika oo Soomaaliya si rasmi ah ay ugu biirtay daba-yaaqada sanadkii dhammaaday. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dikreetada uu ku magacaabay Cali Balcad ku sheegay in xilka loo magacaabay wasiiru-dowlaha uu muhiim u yahay Soomaaliya. Sidoo kale, Xamza ayaa warqadda magacaabidda ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala tashaday. Dikreetadaan laguma cadeyn in Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo in xilkaas laga qaaday toona. Balcad ayaa muddo kusime ka ahaa wasaaradda arrimaha dibadda intii aan loo…
Mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay kulan hordhac ah ka yeesheen joojinta dagaal beeleedka khasaaraha xooggan sababay ee ka dhacay galbeedka Mudug. Kulanka ayay mas’uuliyiinta labada dhinac ku go’aamiyeen qodoba hordhac ah oo lagu baajinayo in uu sii socdo dagaalka beelaha ku diriray galbeedka gobolka Mudug. Go’aannada ka soo baxay kulanka ayaa waxa u horreeya in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo xabbadda islamarkaana labada maamul ee Puntland iyo Galmudug xaqiijiyaan hirgelinta xabbad-joojintaasi. Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in mas’uuliyiinta labada maamul ay si wadajir ah ugu baxaan aagagga maleeshiyaadku isku hor fadhiyaan…
The Somali government has approved a resolution addressing national security threats and driving transformative change. The success of this resolution and the resulting stability and growth it could bring to Somalia depends not only on its effective implementation but also on the active participation of all stakeholders, including the Somali government officials, policymakers, and international organizations. A critical objective for the Somali government should be to understand the link between Northern Somali secessionists and Al Shabab, as this understanding is essential for addressing the root causes of instability. former Islamic court memebrs believe that leaders seeking the secession of Northern…
Galmudug iyo Puntland oo diray Gudi Xabadjoojin ah . Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa ku baaqay in in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyo beello walaalo ah. Maamulka Galmudug ayaa sheegay si loo joojiyo coladaan ay dhankeeda dirtay guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno masuuliyiinta gobolka Mudug, waxana ay dhinacyada ka dalbatay in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta. Sidoo kalana waxa ay dhinacyada fartay in la tixgaliyo ciidammada amniga ee ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalada ay…











