Kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu dhawaaqay gogol wadatashi siyaasadeed oo la filayo inay ka furanto magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025, ayaa waxaa si degdeg ah u soo baxay bayaan kasoo yeeray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS). Madashaasi waxay ku doodeen in shirku u baahan yahay in lagu daro siyaasiyiin mucaarad ah, isla markaana la xoojiyo ajandaha shirka.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed xaq uma laha inay hagto, shuruudna ku xirto gogol qaran.
Haddaba, waa muhiim in si adag oo sharci ah loo caddeeyo in Madashani aysan wax sharciyad ah ku lahayn hannaanka siyaasadeed ee dalka, isla markaana aysan ka mid ahayn hay’adaha dastuuriga ah ee leh awoodda qaabaynta ama hagidda wadatashiyada qaran.
MADASHA: MA AHA HAY’AD DASTUURI AH
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waa urur siyaasadeed oo aan wax sharciyad ah ka haysan dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka. Ma jirto qodob dastuuri ah oo u aqoonsan inay tahay hay’ad kaalin ku leh hagidda siyaasadda qaran, gorgortanka siyaasadeed, ama wax ka beddelka dastuurka.
Dastuurka Soomaaliya wuxuu si cad u xusay hay’adaha leh awoodahaas oo ay ka mid yihiin:
• Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Qodobka 87),
• Baarlamaanka Federaalka (Qodobada 55–71),
• Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC),
• Xukuumadda Federaalka,
• Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.
Madasha kuma jirto midkoodna. Sidaas darteed, wax door ah kuma laha qaabaynta ajandayaasha qaran, mana lahan awood sharciyeed ay ku xukunto cidda ka qaybgelaysa gogol wadatashi qaran.
GOLOHA WADATASHIGA QARANKA (NCC): MADASHA MA AHA XUBIN
Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal rasmi ah oo sharciyeysan, loona asteeyey in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo in laga wada hadlo masiirka qaran ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Golaha waxaa ka tirsan:
• Madaxweynaha Federaalka,
• Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka,
• Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo SSC.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ma aha dowlad goboleed, ma metesho shacabka si sharci ah loo soo doortay, mana aha hay’ad ku qoran dastuurka ama sharciyad haysata. Sidaas awgeed, sheegashadooda ah inay u baahan yihiin ka qeybgal gaar ah ama cod ku leh waa mid si toos ah uga hor imaanaysa nidaamka dowliga ah.
WAX KABDALKA DASTURKA
Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu si gaar ah ugu tilmaamay Qodobada 132 ilaa 134 in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda kaliya ee awood u leh dib u eegista, wax ka beddelka iyo ansixinta Dastuurka.
Hadaba, soo jeedinta Madasha ee ah in gogosha la isugu yimaado lagu beddelo ama lagu xaliyo arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo nidaamka maamul, waa mid aan ku dhisnayn sharci. Waxaa jira habraac cad oo loo maro dib-u-eegista dastuurka, mana suurtagalayso in arrin masiiri ah lagu xalliyo madal aan sharciyad lahayn.
DOWLADDA FEDERAALKA
Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka waxay haystaan muddo-xileed afar sano ah, sida ku xusan Qodobka 91(2) ee Dastuurka KMG ah. Dowladda hadda jirta waxay ku jirtaa sannadkii ugu dambeeyay ee muddo-xileedkeeda, waxeyna weli leedahay awood buuxda oo sharci ah si ay u furto gogol wadatashi, ayna u hoggaamiso dowladnimada, ugana jawaabto baahiyaha siyaasadeed ee dalka.
Fikirka Madasha ee ah in loo baahan yahay “xaqiijin iyo hubin siyaasadeed” kahor intaan la qaban shirku waa hadal siyaasadeed aan sal sharciyeysan lahayn. Dowlad sharci ku fadhida fasax ugama baahna madal aan dastuurka ku xusanayn si ay u gudato waajibaadkeeda qaran.
QARANNIMO LAGUMA DHISO MADALLO AAN DASTUURKA KU XUSNEYN
Soomaaliya waxay u baahan tahay midnimo qaran, wadahadal mas’uuliyadi ka muuqato, iyo sharci lagu dhaqmo. Laakiin tan micnaheedu ma aha in madallo siyaasadeed oo aan sharciyad lahayn lagu wareejiyo masiirka ummadda Soomaaliyeed.
Wadatashi qaran wuu jiri karaa, waana lagama maarmaan. Laakiin waa in uu ku dhacaa iyadoo la dhowrayo nidaam dastuuri ah, sharciyada dalka, iyo doorka rasmiga ah ee hay’adaha dowladda.
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed xaq uma laha inay hagto, shuruudna ku xirto gogol qaran. Dowladda Federaalka, Baarlamaanka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ah kuwa loo igmaday in ay u adeegaan dalka, iyagaana leh sharciyad lagu gaari karo horumar siyaasadeed oo waara.