Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaareyaal, Wasiirro Xigeenno, Guddoomiyayaal hore, iyo hoggaamiyayaashii hore ee Dowlad-Goboleedyada, si ay uga qaybgalaan kulan sare oo wadatashi ah oo la qaban doono 15-ka Juun 2025.
Sida lagu caddeeyey war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, kulankan wuxuu qayb ka yahay geeddi-socod qaran oo lagu dhisayo wadashaqeyn siyaasadeed iyo xoojinta midnimada qaranka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha muhiimka ah sida:
• La dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab,
• Dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka,
• Diyaarinta doorashooyinka heer federaal iyo heer deegaan.
Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go’an tahay dhageysiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay madaxda Ururada Siyaasadda ee la diiwaangeliyey, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah kasoo qabtay dalka
Kulanka hoggaamiyeyaasha hore ayaa ah la-talin iyo aragti-isweydaarsi, lamana siinayo awood sharci-dejin ah. Sida ku xusan war-saxaafadeedka, doorkooda ayaa ah in la helo waayo-aragnimo iyo aragti wax-ku-ool.
Sidoo kale, kulanka ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dhammaan qaybaha siyaasadeed ee dalka si wadajir ah loogu wajaho halista amni ee Al-Shabaab. Hoggaamiyayaasha hore ayaa leh waayo-aragnimo siyaasadeed iyo mid hoggaamineed oo waqti adag oo dalku soo maray, taasoo la filayo inay wax tar u yeelato qorsheyaasha amniga iyo mideynta qaran.
Si kastaba ha ahaatee, khubaro sharci ayaa xusay in kulanka 15-ka Juun uusan wax sharci ah dhalin karin, sidoo kalena aanay suurtagal ahayn in Dasturka dalka wax laga bedeli karin ama lagu kordhin karin . Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliyawuxuu si cad u qeexayaa in:
• Baarlamaanka Federaalka kaliya ayaa leh awood sharci-dejin (Qodobka 55(2)),
• Wax ka beddelka Dastuurka uu maro hab sharciyeed oo ku qeexan Qodobada 132 illaa 135, oo u baahan ansixinta labada Gole ee Baarlamaanka (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) si laba-meelood meel ah.
Khabiir sharci ayaa yiri:
“Kulanka hoggaamiyayaasha hore waa mid siyaasadeed iyo talo-bixin ah; lagamana dhaxlayo wax go’aan sharci ah. Awoodda sharci ee go’aan ka gaarista Dastuurka iyo doorashooyinka waxay u gaar tahay Golaha Wadatashiga iyo Baarlamaanka.”
“Kulanka hoggaamiyayaasha hore laguma soo qaadayo, lagamana doodayo afarta cutub ee Dastuurka, kuwaasoo horey u ansixiyey Baarlamaanka Federaalka kadibna uu saxiixay Madaxweynaha. Waa arrin sharci ahaan dhammaatay oo marxalad cusub galay.”
Kadib kulankaas, Madaxweynaha ayaa isugu yeeri doona Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, si ay uga arrinsadaan talooyinka kasoo baxay wadatashiyada. Kulankaas oo lagu wado in uu dhaco 22-ka Juun 2025, ayaa noqon doona goobta rasmiga ah ee go’aamada laga gaarayo. Natiijooyinka waxaa kadib loo gudbin doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo qaato talaabo sharciyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel Dastuur ama sharci kale.
Geeddi-socodkan oo dhan wuxuu muujinayaa laba qodob oo aasaasi ah:
1. In la qabto wadatashi qaran oo sal ballaaran leh,
2. In la adkeeyo sharafta iyo madax-bannaanida hay’adaha dastuuriga ah, iyadoo la ilaalinayo sharciyadda iyo hab-raaca dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale muujiyey sida ay uga go’an tahay in horumarka dalka uu noqdo mid Soomaali hoggaaminayso, Soomaali leedahay, kuna saleysan dastuurka iyo hay’adaha qaran ee sharciyeysan.