Moqdisho Warar horudhac ah oo ka soo baxaya weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ayaa sheegaya inka badan 10 ruux ay ku geeriyoodeen weerarkii saaka ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar. Sida wararku sheegayaan illaa 4 askari iyo 2 maxbuus ay ka mid yihiin dadka geeriyooday halka 5 dagaalamaysay la dilay taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa si guud 11 ruux. Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in 4 ruux oo uu ku jiro taliyaha kooxda Baando Musiko ee ciidanka Asluubta ay ku dhaawacmeen weerarka. Sawirada meydadka 5 maxbuus oo la sheegay inay ahaayeen kooxdii dagaalantay ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta…
Author: Qaran24
Diyaarada Egypt Air ayaa duulimaadyo caalami ah ka bilowday Muqdisho. Diyaaradda Egypt Air ayaa duulimaadkeedii ugu horreyay maanta ku timid caasimadda Muqdisho , iyadoo munaasabad lagu daahfuray duulimaadka Egypt Air lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde. Daahfurka duulimaadka Egypt Air, waxaa ka qaybgalay wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar, Badr Abdel-Aty oo uu weheliyay Wasiirka Duulista Masar, Sameh Al Hafny iyo saraakiil kale oo ay ku qaabbileen Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ay wehelisay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista…
Wararkii ugu danbeeyay Weerarka ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo soo afjarmay. Maxaabiis dil-sugayaal ahaa ayaa saaka waxa ay bambooyin iyo Qoryaha AK-47 ugu dhex dagaalameen xabsiga dhexe ee Xamar kuwaas oo tiradoodu lagu sheegay 4 Nin sida ay wararku sheegayaan 2 Maxaabiis ayaa weerarkaasi ku geeriyootay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen sida wararka laga helayo Xabsiga dhexe ay sheegayaan 4tii Nin ee weerarka fuliyay ayaa dhamaantood la toogtay sida xogaha aan helnay ay xaqiijiyeen Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray…
KENYA’S PRESIDENT WILLIAM RUTO FIRES HIS CABINET AFTER NATIONWIDE PROTESTS OVER NEW TAXES Kenyan President William Ruto has today Thursday dismissed his entire cabinet apart from the foreign affairs minister in the wake of nationwide anti-government protests. The youth-led protests, sparked by planned tax hikes which Ruto was forced to abandon, have created the biggest crisis of his two-year presidency. At least 39 people were killed in clashes with the police and some demonstrators briefly stormed parliament last month. Ruto said in a televised address to the nation that he was also dismissing the East African country’s attorney general but…
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaaha shada iyo Soosaarista Damaanadaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha…
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caasimadda Tuniisiya ee Tuunis uga qayb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee wadamadada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta. Shirkan oo sannadle ah ayaa waxaa xilligan diiradda lagu saaray, ka hortagga dukumentiyada safarka ee been abuurka ah iyo la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyadoo gabagabadii lagasoo jeediyay talooyin ku habboon sida looga hortagi karo socdaalka sharci darada ah. Shirka ayaa oggolaaday in la abuuro Guddi Farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta…
Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018Qormo ku saabsan Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo dhowr sano ka hor u muuqday xiddigga geeska Afrika, ayaa wajahaya cidlo iyo kallinmo siyaasadeed, kaddib is-afgaradkii muranka dhaliyay ee 1-dii Janaayo 2024 uu la galay Maamulka Somaliland. Billowgii xukunka Abiy Axmed ee 2018 wuxuu u muuqday nin furfuraya nidaamka siyaasadeed ee Itoobiya, u janjeera dhanka Dimoqraadiyadda , xuuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka. Nin u heellan xoojinta iskaashiga Geeska Afrika, xallinaya khilaafaadkii kala dhexeeyay Eritria, Sudan iyo Masar. Waxaa la siiyay billadda nabadda Nobel Peace…
Xildhibaan Faarax Macalin oo laga Saaray Xisbigii uu ka tirsanaa.Xildhibaan Faarax Macalin oo laga Saaray Xisbigii uu ka tirsanaa. Guddiga Fulinta Qaranka ee Xisbiga Wiper Party (NEC) ee dalka kenya, ayaa hadda qalinka ku duugay in Xildhibaanka laga soo doorto Dhadhaab ee Faarax Macallin laga eryo garabka siyaasadda ee mucaaradka sababo la xidhiidha hadallo deelqaaf ah oo uu dhawaan ka sheegay dibad-baxayaal Kenyan ah oo dhallinyaro ahaa,muuqaalka hadalka faarax macalin oo soo shaac baxay dhawaan ayaa cadho ka abuuray internetka. Faarax Macallin mar uu la hadlayay dad Soomaali ah, xaflad ka dhacay magaalada Nairobi, wuxuu sheegay in haddii uu ahaan…
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa saakay howlgalo ka wada deegaanada G/ Jubada hoose, Harboole iyo Weelmaro oo u dhow degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubada hoose. Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa lagu baacsanayaa kooxda naf la caariga ah ee Argagixisada oo gabaad ka dhiganaysa degmooyin ka tirsan gobolada Jubooyinka balse howlgalkan waa mid ay Dowladu ku doonayso in todobaadkan ay ku qabato degmooyinka Xagar iyo Jamaame ayaa lagu yiri war ka soo baxay jubaland. Saraakiisha hogaaminayso howlgalka kasocda waqooyiga Jubada hoose oo goor dhow la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay…
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara. Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.
RA’IISUL WASAARE XAMSA OO BOOQDAY MASAAJIDKA SHIIKH CABDULQAADIR JEYLAANI EE MAGAALADA BAQDAAD Baqdaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haya, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyadoo lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba…











