Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika. Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca…
Author: Qaran24
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa halkaas waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirka ayaa inta uu joogo deegaanka waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo qeybaha bulshda deegaanka. Safarka Degmada Caabudwaaq ayaa daaran sidii Si Nabad ah looga Soo wareejin lahaa dadka deegaankaas Hubkii Dhawaan ay boobeen.
Xildhibaan Cabdikashuur Cali Mire oo kamid ah Xildhibaanada ugu samaynta badan BJFS ee lagasoo doorto galmudug ayaa dhankiisa eedayn kulul ujeediyey Qoor qoor wuuna yiri: Dareenka iyo qalalaasaha siyaasaddeed iyo amni ee ka jira GalMudug ee maalmahan soo xoogeystay, waa kuwa horseedi kara qarax siyaasadeed iyo mid amni oo horseeda in xilliga kala guurka ee mudo xilleedka hoggaanka hadda haya talada GalMudug uu reer GalMudug dhaxal-siiyo colaado iyo gacan ka hadal siyaasadeysan. Hoggaanka GalMudug ee madaxweyne Ahmed Qoor Qoor, wuxuu ku guuldaraystay wax walba oo loo idmaday, wuxuuna GalMudug dhaxal siiyey inay dib usoo noqdaan colaadihii beelaha oo si ka…
Maxkamadda sare ee ciidamada oo markale xukuntay Qoslaaye iyo kooxdiisii. Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024. Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac. Baaris dheer kadib…
Galmudug: Waxaan caddaaladda hor keenidoonaa dadkii ka dambeeyay hubka sharci darrada ah ee soo galay Cabudwaaq. Warkan qoraal ah ee kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu farey Xafiiska xeer ilaalinta in uu soo eedeeyo cid kasta oo ku lug laheyd hubka laga keenay Itoobiya ee sida sharci darada ah kusoo galay. Dowlad-goboleedka Galmudug waxay sidoo kale sheegtay in “Dad Qowleysato ah oo ku caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darada ah oo ujeedkoodu ahaa u adeegidda argagixisada iyo iska horkeenidda shacabka ayaa ka dambeeyey Hubka lagasoo tahriibiyey dhanka Ethiopia.
Legal Stand and Potential Punishments for Advocating Against His Government In democratic systems, Members of Parliament (MPs) are entrusted with the crucial role of representing their constituents and safeguarding the sovereignty and integrity of their nation. Their actions and advocacies must align with national interests, promoting the security and welfare of the state. However, when an MP takes a stance that potentially undermines the government’s ability to function effectively—such as advocating for an arms embargo against their own country—they tread a dangerous path fraught with legal and ethical ramifications. This essay examines the legal grounds and potential punishments that MP…
Dawladda Soomaaliya oo war ka soo saartay hubkii lagu qaatay Caabudwaaq . Dawladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud. Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas. Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa…
cilad farsamo ayaa ku timid diyaarada Ethiopian airline ee garoonka muqdisho. Duulimaadkii horey loo qorsheeyay ee Ethiopian Airlines ee ka bixi lahaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho saacadda 6-da makhribnimo kuna wajahan Addis Ababa ayaa goor dhow la baajiyay, iyadoo sababta loo cuskaday ay tahay cilad farsamo oo ku timid diyaaradda. Rakaabka oo laga sugayay inay safarka billaabaan saacadda 3-da galabnimo ayaa ku qasbanaaday inay garoonka joogaan muddo dheer, taasoo keentay caro iyo welwel ku saabsan waqtiyada kale ee duulimaadyada. Go’aanka baajinta duulimaadka ayaa la qaadatay saacadda 11:30 habeenimo, taasoo aysan shirkaddu ku qaadan waqti ku habboon oo loogu diyaargaroobo rakaabka.…
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlagal ka dhcay deeganka cawsweyne ee gobolka Galgaduud. In ka badan 50 ka tirsan alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud. Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo…
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo madax kale oo ka tirsan SoDMA ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Iskaashiga iyo wadashaqeeynta fog ay Hay’addu la leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee qaramada Midoobay. La-taliyaasha iyo howlwadeennada hay’adda ayaa warbixin dhammeestiran kuna aaddan aragtida fog ee hay’adda SoDMA la wadaagay madaxda WFP ee uu hogaaminayay Md. El-Khidir Daloum oo ah Madaxda WFP ee Somalia. Sidoo kale hay’adda WFP ayaa iyadana shirka la wadaagtay qorshayaasha fog ee WFP xafiiskeeda Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray xoojinta xiriirka wanaagsan ee labada hay’addod, si qoota dheerna looga hadlay sidii loo xaqiijin…
Qarax sababay qasaare kala duwan ayaa kadhacay Degmada Boondheere Qarax sababay qasaare kala duwan ayaa kadhacay Degmada Boondheere gaar ahaan Nawaaxiga Daljirka Dahsoon Warar kala duwan ayaana ka soo baxaya Qaraxan Waxaana la soo warinayaa In qof uu isku Qarxiyay Maqaayad dhawaan laga furay Halkaasi Oo lagu magacaabo Top Coffe oo Caawa lagu daawanayay Ciyaar u dhaxaysay xululka Spain iyo English. Sido kale waxa la soo warinayaa in dhamaan ay dhinteen dad saarna bajaaj goobta maraysay sida ay ku waramayaan Warbaahinta Muqdisho.










