Author: Qaran24

Taalada Daljirka

Madaxweynaha JFS ayaa Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho. Muqdisho, 01 July 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo Midowga Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya aywgeed Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaan Sharaf ka qaatay cutubyo kala gedisan oo tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. kuwaasi oo soo bandhiggay gaado ka cayaar iyo dhoolatus ay muujinayeen cududa, Awooda iyo Qalabka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,…

Read More
Mudug clan

The Puntland Deploys Anti-Terror Trained Forces in Mudug Clan Conflict, Complicating Peace Efforts Puntland administration has deployed forces trained to combat Al-Shabaab and ISIS in the Bari region to participate in the ongoing Mudug clan conflict in the Mudug region. This escalation has made it difficult for traditional leaders to stop clan fighting. Forensic evidence from this video shows that the troops arrived at the site of a conflict between two clans in the Mudug region. According to inside sources, Puntland President Said Abdullahi Dani and Puntland’s Interior Minister Abdi Farah Juxa are allegedly behind this, aiming to demonstrate to…

Read More
Xifaaltankii Jabuuti

Xifaaltankii JabuutiXifaaltankii Jabuuti iyo Itoobiya ku dhexmari jiray Xamar oo hadeed Somaliland loo soo raray. Somaliyana waxay u eegtahay mid dhaxashay shaqadii Somaliland ay qaban jirtay, taasi oo aheyd in mar marna itoobiyo u xagliso, badankase ay Jabuuti la jirto. 《1》Ka soo bilow June 1991, markii dawladda Jabuuti dalkeeda ku martigalisay shirkii lagu soo doortay AHUN Cali Mahdi, kaasi oo ay AHUN Gen. Ceydiid isku hayeen cida Xamar ka talin doonta. 《1.1》Shirkaa waxa Raysal Wasaare loogu doortay AHUN Cumar Carte Qaalib. Halka uu shirkaas ka hogaaminayey (co-chair) AHUN Maxamed X. Ibraahin Cigaal. 《1.2》Shirkaa waxa ka soo horjeestay Gen. Caydiid. Dabadeedna…

Read More
Addressing Ethiopia Delusional Behaviour: Combating Destabilization and Terrorism

8Wadahadalo u dhaxeeya DFS iyo Ethiopia oo ka furmi doona Dalka Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdiga la socda ayaa maanta u ambabaxay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada. “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an mabaadi’deeda adag ee ilaalinta madaxbanaanida, midnimada dhuleed, iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa muuqata in dowladda badashay go’aankii ahaa lama fariisanayno Itoobiya ilaa ay burburiso heshiiskii Abiy iyo Biixi. Balse ilo xog ogaal ah ayaa…

Read More
Ciidanka Xooga oo ATMIS kala Wareegay Deegaanka Cabdalla Biroole ee G/Jubbada Hoose.

Ciidanka ATMIS waxay ku wareejisay Saldhigga degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo noqonaya Saldhiggii Afaraad ee lagu wareejiyey Wajigii Saddexaad ee ATMIS-ta laga saaray. Munaasabadda wareejinta waxaa ku sugnaa, ku xigeenka ATMIS SRCC, Sivuyile Bam, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Gaashaanle Muxudiin Axmed oo katirsan Ciida ka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahad celiyay ciidamada ATMIS ee KDF sida ay ugu hureen naftooda ka qeyb qaadashada sugida amniga Jubbaland. Sarkaalka Xafiiska Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS,…

Read More
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq oo waraaqaha aqoonsiga laga gudoomay. 

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq oo waraaqaha aqoonsiga laga gudoomay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed. Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah sii xoojin doono. Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta XF Soomaaliya.

Read More

NAIIROBI & OLOLAHA DOORASHADA GALMUDUG. Nairobi ayaa xilligaan la joogo u muuqata goobta ugu muhiimsan ee uu ololaha doorashada Galmudug ka ibo-furtay. Horay Nairobi waxaa ugu furnaa labo jikoooyin oo doorasho ah oo ay kala leeyihiin Dr. Koofi iyo Ganacsade Liibaan. Maanta kooxda ololaha dib-udoorashada madaxweyne Qoorqoor ayaa iyaguna magaalada jikadii seddexaad magaalada ka furtay. Dhoolatus miisaankiisu aad u sarreeyo ayay garoonka ku soo galeen. Ciyaaryahaynka uu Qoorqoor captanka kooxdiisa u soo xiray waa Mohamed Kasim Turaabi oo isku ah Ugaaska Qoorqoor iyo been-ma-sheegaha Qoorqoor labadaba. Dhammaan maamul goboleedyada waxaa bisha July ka billaabanaya doorashooyinkii maadaama ay Axmed Madoobe iyo…

Read More

Waan ka raalligelinayaa dawladda iyo shacabka Jabuuti hadalka ka soo yeedhay Muuse Biixi ee hanjabaadda ah. Jabuuti wax badan ayey tartay dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada waqooyi 30-kii sano ee u dambeeyey. Ma filayn in Muuse uu sidan ugu abaal dhici doono Jabuuti. Muuse Biixi waxa uu sidoo kale u muuqdaa in uu u tafaxaydanayo colaad ka dhacda gobolka Awdal, laakiin waxaan u sheegayaa in la is ka difaaci doono gardarradiisa oo aanay reer Awdal aqbalayn in dhulkooda lagu wareejiyo dal shisheeye oo cadaw ah. Oday Muuse kuma cibro qaadan wixii uu ka sameeyey Laascaanood, iyo guuldarradii ka raacday oo…

Read More
Boqor Burhaan

Raiisal wasaare Xamse ayaa maanta ku booqday hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxayna ka wada hadleen sidii ay hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed u xoojin lahaayeen kaalintooda ku aaddan nabadda iyo xallinta khilaafaadka u dhexeeya bulshada. Waxaan ku bogaadinayaa Dhaqanka Soomaaliyeed kaalinta muhiim ka ah ee ay ka qaadanayaan nabadda iyo dejinta dagaallada u dhexeeya qaar kamid ah beelaha, si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad iyo horumar waara. Xukuumadda Dan Qaran waxa ay mar walba u taagan tahay sidii hoggaamiyeyaasha dhaqanka loogu taageeri lahaa doorkooda ku qotoma midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Read More
Jawaari

Muqdisho: Waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Madaxda ugu saraysa Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Cabdi Barre , Guddoomiye Aadan Madoobe iyo qaar kamid ah Eheladiisa ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay Guddoomiye hore Jawaari oo lagu tilmaamay Nin Dowladeed oo ka baxay Qaranka Soomaaliyeed.

Read More